Mowshin ka dhan ah Shariif Xasan oo socda

by Hassan Ali | Wednesday, Jan 18, 2017 | 142 views

18,January,2017,(SofoNews) Ilo wareedyo soo baxaya ayaa sheegaya in qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Galbeed ay wadaan Mooshin ay dooneyaan in ay Xilka uga qaadaan Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaanada ayaa war baahinta u sheegaya  in Xildhibaanada Mooshinka Xilka qaadista ah diyaarinay ay gaarayaan illaa 80 Mudane,islamarkaana ay dooneyaan in Deg Deg ay Guddoonka ugu gudbiyaan si loo gudagalo.

Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa sheegay in Madaxweyne Shariif Xasan uusan Koofur Galbeed wax u qaban mudadii uu Xilka hayay,waxaana ay sheegeen in ay dooneyaan in ay Badbaadiyaan sida ay hadalka u dhigeen Bulshada Koonfur Galbeed.

Dhowr jeer ayey sheegeen Xildhibaanada Maamulka Koofur Galbeed in Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku Fashilmay inuu Koofur Galbeed Meel fiican gaarsiiyo.

Arrimahani ayaa ku soo beegmaya ayadoo uu jiro loo lan adag oo dhanka siyaasadda ah uu ka soconaya magaalada MUqdisho mana cadda sababaha keeney in shariif Xasan uu waayo kalsoonida xildhibaanada qaar.

Dadka u dhoon dolool arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa  sheegaya in siyaasiintu ay hataan ku guda jiraan gorgortan dhanka siyaasadda ah ayadoo shirar iyo kulamo gaar gaar ah ay ka soconayaan caasimadda.

Like it? Share it!

Leave A Response