Mowshin ka dhan ah saldhiga Imaaradaka ee BerBera oo baarlamanka Soomaaliya ka doodaya

by Hassan Ali | Wednesday, Apr 5, 2017 | 112 views

5,March,2017(SofoNews) Shirka maanta ay yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamanaka Soomaaliya ayaa lafilayaa in ay ka wada hadlaan arrimo ay kamid yihiin mowshin ka dhan ah saldhigga Imaaradaka Carabta uu ka dhisayo Soomaaliland.
Talaabadan ayaa siweyn loo hadal hayaa in ay kordhinkarto qilaaka dhanka diblomaasiyadda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa xaqiijiyay in ajandaha kulanka maanta uu qeyb ka yahay mooshin laga keenay Saldhiga Milateri ee Imaaraadka Carabta ka dhisanayo Berbera, waxaana la filayaa in Xildhibaanada dood kulul ka yeeshaan, kaddibna gaba gabada ay noqoto mid cod loo qaado mooshinkan.
Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan kala hadlay dowladda Sucuudiga sidii loo joojin lahaa faragelinta Imaaraadka ee Soomaaliya.
War ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegey in ay ka soo horjeedo dowladda Talaabadaasi oo loogu wareejinayo dekedda BerBera.

Like it? Share it!