Mowshin cusub oo horyaala baarlamanka cusub

by Hassan Ali | Monday, Jan 2, 2017 | 146 views

2,Januray,2017(SofoNews) Mudanayaal katirsan Baarlamaanka Federaalkka Soomaaliya oo gaaraya 67- ayaa diyaariyay Mooshin cusub ay ku dalbanayaan in xayiraadda laga qaado Shan Xildhibaan oo kamid ahaa Xubnaha Aqalka hoose balse la laalay.

Qaar kamid ah Xildhibaanadan Mooshinka diyaarinayay ayaa sheegay in go’aan Baarlamaani ah ku doonayaan in lagu fasaxo Shanta Xildhibaan ay doorashadooda diideen Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran.

Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Xildhibaanada la celiyay ay dadaal badan soo bixiyeen ayna si sharci ah kusoo baxeyn qaarkood, waxa ayna ku baaqday inta aysan go’aan Baarlamaani gaarin la fasaxo.

Xildhibaanadan Cusub ayaa mooshinka ay diyaariyeen doonaya in ay u gudbiyaan Shir Gudoonka KMG ee Baarlamaanka cusub, waxa ayna Xildhibaanadan doonayaan in xayiraada laga qaado Shanta Xildhibaan ee wali lagu dhagan yahay.

Tani ayaa ku dareen siinaysa in baarlamanka cusub uu la soo baxayo dardar cusub iyo howlo adag ayadoo haatan uu wajahayo siyaasada adag oo xagga doorashada laxiriirta.

Like it? Share it!

Leave A Response