Mo Faarax oo sheegey in uu taageerayo sportska Soomaaliya

by Hassan Ali | Monday, Jan 2, 2017 | 132 views

2,January,2017(SofoNews) Oradyahanka asalkiisu yahay Soomaali ee Mo faarax oo bilaabay orodka isagoo 12 jir ah taaso uu ku bixiyay dadaal badan sababtayna inuu heer ka gaaro ayaa  magac iyo maamuus ba u soo hooyay dadka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan dhallinyarada.

Oradyahanka asalkiisu yahay Soomaali ee Mo faarax  ayaa sheegey in uu ku tala jiro in uu taageero u fidiyo dhalanyarada Soomalaiyeed oo ku howlan in ay horrumar ka gaaraan tartanka ciyaaraha.

Wuxuu sidoo kale ku booriayaya qofkasta oo Soomaali ah in uu ka dhabeeyo hiigisigiisa in uu guul ka soo hooyo islamarkaana aan ka daalin howlaha adag si guusha loo gaaro.

Mo Faarax oo ku guuleestay billad sharafeedka ugu sareeya oo ay bixiso Boqortooyada Dalka Britain oo ah darajada “SIR” ayaa lagu maamuusay taaso farxad galisay dad badan oo Soomaali kuna abuurtay hididiile cusub dhallinyaro badan oo tiigsanaysa inay horumar ka gaaraan noocyada kala duwan ee Isboortiska ah.

Mo Farah oo lagu lammaanin doona magaciisa “Sir” ayaa noqon doona

“Sir Mo Farah” iyadoo ay tahay sharaf lagu sharfo dadka wax ku oolka ah ee wax ku soo kordhiya dunida.

Wuxuu sheegey Sir Mo Faarax ayaa sheegay inuu garab siin doono oradiyahannada Soomaaliyeed isagoo ku kordhin doona khibradaha uu ka dhaxlay tababarradii kala duwanaa oo uu soo maray.

 

Like it? Share it!

Leave A Response