Milkiilaha Universal TV oo lagu xiray Hargeysa

by admin | Sunday, Feb 19, 2017 | 151 views

19 Feb 2017 (SofoNews) – Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamo katirsan maamulka Somaliland ay xabsiga u taxaabeen milkiilaha Telefishinka Soomaalida ee fadhigiisu yahay London.

Illaa iyo haatan lama oga sababta loo xiray milkiilaha Universal oo ah TV ay ku xiranyihiin Soomaali badan oo gudaha iyo qurbahaba ku nool hasee yeeshee maamulka Somaliland ayaan la dhacsanayn hab tebinta barnaamijyada qaar ee TV-ga.

Maamulka Somaliland ayaa sidoo kale dhowaan garoonka Hargeysa ku xiray Cabdi Maalik Coldoon oo ah weriye si madaxbanaan u cabira aragtidiisa kaasi oo ka u ol oleeya midnimada Soomaalida.

Tafaasiil dheeraad ah lagama hayo sababta loo xiray milkiilaha Universal Tv balse wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Somaliafocus.

Like it? Share it!

Leave A Response