Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya 2017 oo baarlamanka la horgeynayo

by Hassan Ali | Monday, Apr 3, 2017 | 172 views

3,April,2017(SofoNews) Mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay yeeshaan kulan lagu hor-geynayo Miisaaniyada sanadka 2017, madaama bilihii la soo dhaafay aanay jirin wax miisaaniyad ah, kaddib markii la xiray akoonada Wasaaradaha ku lahaayeen Bankiga Dhexe.
Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa kulankoodi loogu qeybinayaa miisaaniyadda dowladda si ay u soo aqristaan islamarkaana ay uga doodaan sida uu qabo dastuurka dalka u yaala.
Waxaana lafilayaa in miisaaniyadaasi uu baarlamanku horgeeyo miisaaniyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda oo maalmo ka hor la wareegay xilka Wasaaradda.
Baarlamaanka ayaa horay u celiyay miisaaniyad KMG aheyd, waxaana jiray miisaaniyad saddex bilood aheyd oo ay ansixiyeen Golihii Wasiiradii hore, taasoo uu muran iyo dood ka keenay Hanti dhowraha Guud ee Qaranka oo eedeyn u jeediyay Wasiirkii hore ee Maaliyadda iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore.
Lama oga sida uu noqon doono miisaaniyada sanadkan 2017, iyadoo miisaaniyada ay ku howl galeysay dowladda Federaalka sanadkii 2016 uu ahaa lacag dhan 246 milyan oo dollar.
Ilaa iyo haatan majiraan wax miisaaniyad ah oo uu dalku leeyahya ayadoo tan iyo markii dowladda cusub ay dhisantay.

Like it? Share it!

Leave A Response