Midowga Yurub oo dhaqaale ugu deeqey dowladda Soomaaliya

by Hassan Ali | Wednesday, Apr 5, 2017 | 125 views

5,April,2017(SofoNews) Deeqdan lacageed oo Midowga Yurub ay ku wareejiyeen dowladda Soomaaliya ayaa loogu talagaly in loogu gar gaaro dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo mashaariic shaqo abuur ah loogu sameynayo dadka qaxootiga ah ee ka so laabanaya Kenya.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in lacagtan ay qeyb ka tahay 140 milyan oo Euro oo loogu talo-galay guud ahaan abaaraha Geeska Afrika.
Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in dhowr dal oo xubno ka ah ururkaas ay si gooni ah caawimaad uga geysteen gurmadka abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.
Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in 6.2 milyan oo Soomaali ah oo u baahan gargaar cunno, ay 2.9 milyan oo ka mid ah ku sugan yihiin xaalad deg deg ah oo ay u baahan yihiin cunno lala gaaro ka hor bisha June ee sanadkan.
Waxa ay ugu baaqeen hoggaanka dowladda federaalka ee Soomaaliya inay si deg deg ah u wajahaan dhibaatooyinka bani’aadanimmo ee ka dhashay abaaraha Soomaaliya, islamarkaana beesha caalamka ay sare u qaado dadaallada looga jawaabayo baahida jirta.
Waxa ay sidoo kale adkeeyeen muhiimaada in shaqaalaha gargaarka loo ogolaaado inay si buuxda oo nabdoon ku gaaraan dadka caawimaadda u baahan, si waafaqsan xeerarka gargaarka bani’aadanimo ee caalamiga ah.

Like it? Share it!