MIDNIMO DOON DEMBIILE AH

by admin | Monday, May 30, 2016 | 371 views

By Abdisamad Abukar

Waqtiga-Waxbarasho ee aan ku qaadanayo Turkiga waxyaabaha uu igu kordhiyay kororsiga aqoonta kasokow waxaan yeeshay asxaab deegaano iyo gobolo kala duwan ka soo jeeda sida Waqooyiga Soomaaliya ama Somaliland.

Qaarkamid ah ardayda ka soo jeedda Somaliland ayaan nasiib u yeeshay in aan wada noolaanno, waxaana is dhexgal iyo wada sheekeysi kaddib ii muuqata in ay jirto kala aragti duwanaansho badan oo u dhaxeysa ardayda ka kala yimid Koonfurta iyo Waqooyi ee Soomaaliya.

Intaasi kasokow waxaan siyaabo kaladuwan uga qeybgalay shirar ay soo abaabuleen ardayda Somaliland ee Turkiga gaar ahaan kulamo ka dhacay magaalada Ankara.

Markaan isku darsadey afkaarta iiga soo baxdeyda khibradahaan iyo sidoo kale akhrin dheeri ah kusameeyey arimaha ka dhex aloolsan labada dhinac Koonfur iyo Waqooyi ee Soomaaliya ayay ii muuqatay in aan idinla-wadaago maqaalkan oo xambaarsan macluumaad.

Anigoo kaduulayo waxyaabihii aan kala kulmay ardayda qaar ee kasoo jeeda Waqooyga ayaa waxaa ii muuqanaya in dadka Koonfureed ay dembiile kunoqdeen labo arimood; 1) Waxay aaminsanyihiin midnimo Somaaliyeed. 2) Waxay kasoo jeedaan Koonfurta oo ah halkii uu ka dhisnaa taliskii Maxamed Siyaad Barre, Madaxweynihii ugu xukunka dheeraa Soomaaliya ee isku deyey in awood  uu kuxalliyo arimihii kataagnaa gobolada waqooyi.

Hadaba aan iftiimiyo dhowr arimood oo ay ugu horeyso qaab dhismeedka bulshadeed ee Soomalida.

QAAB DHISMEEDKA BULSHADEED EE SOOMAALIYA

Taariikh ahaan bulshada Soomaaliyeed waa bulsho isugu jirta Xoolo-dhaqato iyo beeralay oo  inteeda badan kunool deegaanada ka baxsan magaalooyinka. Waa umad diinta Islaamka qaadatay xilligii uu noolaa Nebi Maxamed (SCW) iyada oo gobolka uu soo gaaray saxaabiga Jacfar Binu Abii-Dhaalib isaga oo fidinaya diinta.

Nidaam ahaan Soomaalidu waa bulsho u qeybsan reero iyo qabaa’il,waxay arimahooda sida Colaadda ka dhasha kheyraadka iyo guurkaba ku xalliyaan xeerar u degsan.

Waxaa la sheegaa in Soomaalidu ay tahay Qowmiyad weyn oo taariikh dheer ku leh Geeska Afrika.

Nidaamka qabilga ah ayaa ahaa mid muddo soo jiray waxaana haatan dowladda saldhig u ah kudhowaad 5 Beelood oo wax lagu qeybsado. Waxaa ii muuqata in la saadaalinkaro soo ifbixdda beelo cusub iyo reero taasi oo kordhikarta mushkiladda maadaama Beel wax lagu qebsado. Tani waxay adkeyneysaa in nidaamka dalka uu noqdo mid la jaanqaadikara dunidan casriga ah si loo helo Standar.

Hadaba arinta Koonfur iyo Waqooyina sidan kama duwana, waxayba salka ku heysaa awood qabiil.

CADEYMAHA AY SOMALILAND KUSABABEYNEYSO GOOSASHADEEDA

Nidaam dowladaeed oo sal-adag kama jirin Soomaaliya gumeystihii reer galbeedka ka hor laakin waxaa jirey qaabab qabiil iyo boqortooyado yaryar oo hoos imaan jirey awoodo kale oo waaweyn sida Boqortooyadii weyneyd ee Cismaaniyiinta.

1960-kii markii laga xuroobey gumeystaha, iyadoo labada shacab Waqooyi iyo Koonfur aysan waxbadan udiyaarsaneyn dowladnimo iyo maamul ayaa waxay go’aansadeen in ay midoobaan iyadoon lagalin heshiisyo adag oo caddaalad iyo horumar gaarsiin kara dalka iyo dadka.

Arintani waxaxy keentey in midnimadii lagu taamayey ay mira-dhali weydo, markii dambena dalka uu awood-military gacanta ugaley oo dhibaatooyin badan kageystey guud ahaan dalka gaar ahaan Waqooyiga.

Hadii aan soo koobo labada arin ee ugu weyn waa:-

1. Midda taariikhiga ah ee gumeystuhu kukala qeybsadey gobolka Soomalidu degeyso ee Geeska Afrika, isiga oo waliba qeybkamid ah dhulka Soomaalida u hadiyeeyay Itoobiya iyo Kenya.

2. Iyo midda gacan kahadalka ah ee keli-taliye Siyaad kula Kacey gobolada waqooyi taasi oo gadood kureebey dad badan oo Soomaali-Waqooyi ah.

CAWAAQIBTA KADHALAN KARTA AQOONSI IYO AQOONSI LA’AANBA

Dhalinta qaar ee Somaliland waxay tusaale usoo qaataan Carabtuba waa isku luuqad iyo isku diin hadana waa intaasoo wadan, anagu maxaa inoo diidaayo?….

Waxaan leenahay la isma barbar dhigi karo labadaan arin, sababta oo ah Carabtu waa dad aad utiro badan oo dhaafaya 300 oo maliyeyn, welibana uqeybsan laba qaaradood; Afrika iyo Aasiya. İnta Aasiya kujirtana waxayba usameysan yihiin qaab jaziirad oo mawajahayaan halis xuduudeed. Ama Soomaaliya waxay kutaalaa meel ay adagtahy in jiritaankeeda ilaalsato hadeysan midoobin oo cududeedi isu keenin.

Dad badan oo Waqooyi kasoo jeeda ayaa mucaaradsan kala go’a, iyo qodobka ugu dambeeya oo ah in koonfurta weli nidaamkeeda maamul uusan fadhiisan illaa koonfurta ay ka degtana dunida waxaa ku adkaanaya in ay dhageystaan qaylo-dhaanka Somaliland ee aqoonsi-doonka ah.

UGU DAMBEYN

* Si xal looga gaaro arinkan waxaa muhiim ah in lasameeyo halbeeg loo dhanyahay oo laga duuli karo, kaasi oo lagu gaari karo xal cadaaladeed iyo dan lawada leeyahay.

* Waxaa haboon in dadka waqooyi lagu dhageysto dhego walaaltinimo si kasta oo walaalaha Waqooyi uga go’antahay in ay go’aan.

* Waa in lagu ixtiraamaa horumarka nabadeed ay gaarsiiyeen deegaanka iyaga oo muujiyay karti maamul iyo karti wax lagu dhisayo.

Midnimo ayaa lagu gaari karaa horumar iyo barwaaqo taasi ayaana ku helikarnaa Xaqa aannu leenahay si aan wax ula qeybsano Afrikada iyo guud ahaan dunida.

Abdisamad Abukar waa arday waxkabarta dalka Turkey

Like it? Share it!