Miciishadda oo cirka isku shareertey iyo suuqyada Muqdisho oo hawanaya

by Hassan Ali | Wednesday, Feb 8, 2017 | 145 views

8,February,2017(SofoNews) Tan iyo markii bandow lagu soo rogay magaalaad Muqdisho ayaa Suuqyada magaalada waxaa sameen ku yeeshay xirnaashaha wadooyinka waxaana jira dhibaatooyin lagala kulmay arinkaas oo ay sababeen wadooyinka xiran.

Waxaa gaabis ku ymid mashquulkii xooganaa ee suuqyada iyo wax kala iibsigii maadaama isu socodka dadka iyogaadiidka uu hakad kuyimid.

Suuqyada  Bakaare, Xamaweyne,Suuqbacaad iyo kuwa kale ee magaalada Muqdisho ayaa geba ahaanba haawanaya waxaa sare u kacay qiimaha lakala siisto miciishada qaar sida hilibka iyo qudaarta maadaama gaadiidkii u iib geynjiray degmooyinka la xiray.

Ganacsatada magaalaad Muqdisho Qaar kamid ah ayaa sheegay inay waayeen meel ay suuqa usoo marsiiyaan Hilibka iyo qudaarta oo ay Gaadiid ku keeni jireen Suuqa,waxaana taasi ay sababtay in sicirka la,iibiyo qudaarta iyo hilibka inta yar ee la heli karo uu sare Ukoco.

Ma’ah kaliya waxaa ay sameen ku yeelatay suuqyada qudaarta muqdisho ee guud ahaan xirnaashaha magaaladu waxaa ay saameeysay nolosha dad badan waxaana Shalay oo ay xirneed muqdisho la arkayey Gaadiidka ciidamada oo daabulaya qaadka si ay ugeeyaan degmooyinka kale ee gobolka taasoo aad ay ula yaabeen Dadka Muqdisho.

Dad aad u iro yer ayaa lagu arkaya xaafadaha iyo qeybo kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho balse meelaha qaar ayaa xitaa loo diiday dadweynaha in ay isticmaali karaan.

Xaafadaha qaar aya loo diidaya dadka xitaa in cagta ay maalaan gaar ahaan goobaha ka ag dhow nawaaxiga doorashada taasi oo aan loo ogoleyn in dhaq dhaqaaqa laga dareemo sababo amaanka laxiriira.

Like it? Share it!

Leave A Response