Meydka wasiirkii hore ee dekedaha iyo gaadiidka badda oo Muqdisho lagu aasay

by Hassan Ali | Sunday, Apr 2, 2017 | 106 views

2,april,2017(SofoNews) Allaha u naxariistee waxaa magaalada magaalada Muqdisho lagu aasay wasiirkii hore ee Dekadaha Dr. Nuur Faarax Xersi oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Waxaa aaskiisa ka qeybgalay Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Gudoomiyaha Aqalka Sare, xildhibaano, Wasiiro iyo masuuliyiin kale ayaa ka qaybgalay Salaadda Janaasada ee lagu dukaday Marxuumka geeriyooday.
Salaadda ka dib ayaa Madaxda qaranka u duceeyeen Marxuumka, waxaana Alle ay kaga baryeen inuu Janadii Fardowso ka waraabiyo, sidoo kalana uu Samir ka siiyo Qoyska iyo Ehelada uu ka baxay.
Wasiirkii hore ee Dekadaha ayaa mudooyinkaanba wuxuu ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho, waxaana uu geeriyooday Saaka Aroortii hore.

Like it? Share it!