Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari oo fariin culus jeediyay

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 8, 2017 | 89 views

8,March,2017(SofoNews) Sanadka 2020 waxaa qorshuhu uu yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah ayadoo haatan ay soconayaan dadaalu ku aadan sidii dalka loo gaarsiin lahaa qorshahaasi.
Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka ayaa sheegey in ay xusul duub ugu jiraan ka miro dhalinta hadafka ku aadan in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacydo Soomaaliya taasi oo aan si rasmi ah loogu kalsooneyn marka loo fiiriyo marxaladda dalka uu marayo.
Guddoomiyaha golaha shacabka Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa siweyn uga hadlay qorshahaasi isagoo gudiga doramashada ee madaxabanaan in uu qaado talaabooyin lagu xaqiijinayo qorshayaashaasi isagoo xusay in hadii aan doorasho qof iyo cod ah aan dhici karin muddo kordhin loo sameyndoono baarlamanka.
Sidoo kale Jawaari ayaa ka dalbaday Guddiga doorashada qaranka inay keenaan waqti ku suurta geli karto doorasho hal qof iyo hal cod, hadii kalena ay dib ugu noqonayaan doorasho dadban sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in aanan loo baahneyn in iyadoo waqti yar ama sanad ka dhiman tahay doorashada uu bilowdo is eedeyn iyo far isku-taag, sidaas darteed looga baahan yahay Guddiga inuu keeno qorshe cad oo sanadkan gudihiisa ah in dalka ay doorasho hal qof iyo hal cod ka dhici karto sanadkan 2020.
Marka la fiiriyo xaaladaha amaan, siyaasadda, dhaqaalah iyo bulshada waxaanu muuqan ififaalo ku aadan in dalka doorasho qof iyo cod ah ay ka dhicikarto waxaana inta badan dalka kusugan Alshabaab oo weli aan laga saarin taasi oo ah aqabadda ugu weyn ee arintaasi ka hor imaan karta

Like it? Share it!

Leave A Response