Max’ed Cabdi Afey oo booqday xeryaha qoxootiga Dhadhaab

by Hassan Ali | Wednesday, Nov 9, 2016 | 213 views

9,November,2016(SofoNews) Ergayga gaarka ah ee Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga UNHCR ee u xil saaran arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed Ambasador Maxamed Cabdi Afey  ayaa booqday xeryaha Qaxootiga ee dhadhaab ee ku yaala Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Safarkiisa Maxamed Cabdi Afey  ayaa laxiriira   shaqo ayaa aheyd sidii uu ugu kuurgali lahaa xalaadda nololeed ee ka jirta Xeryahaasi,waxa uuna soo kormeeray xerada Qaxootiga ee Xagar-dheer, isagoo si gaar ah u booqday Cisbitaalka weyn xeradaasi, waxaana uu halkaasina ku soo indha indheyay meelaha Dadka bukanka ahi ay jiifan.

Danjire  Afey waxaa kaloo uu booqday Xafiska hey’adda UNHC ee Xerada Xagar-dheer, kadib waxa uu Xarunta hey’addaasi ee Degmada dhadhaab kula kulmay Gudiga Xeryaha Qaxootiga ee dhadhaab, isagoo sheegay in dhawaan loo magacabay Eryga gaarka ah ee hey’adaasi u xilsaran arrimaha Qaxootiga Soomaaliyed ee Gobolka.

Ergayga gaar ah ee u xlisaaran arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ayaa waxa uu ugu dambeyntii sheegay in uu ku dadaali doono sidii wax looga qaban lahaa xaalada Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Dalalkaasi,isagoo xusay in uu kala hadli doono Wadamadaasi qaxootiga ay hayaan inta soomaaliya ka xasilaaneeyso, ciddii doontana ay iskeed u noqon karto.

Waa socdaalkii ugu horeeyey ee uu ku tago xeryaha qoxootiga Dhdhaab tan iyo markii QM ay u magacowday in u noqdo wakiilka hay’adda UNHCR ee Soomaaliya.

Like it? Share it!