Maxakamadda ICJ oo warbixin ka soo saartay dacwadda badda ee Kenya iyo Somalia

by Hassan Ali | Saturday, Feb 25, 2017 | 92 views

War qoraal ah oo ka soo baxay Maxakamadda Cadaaladda aduunka ICJda ayaa looga dalbadaya dowladda dalka Kenya in 18-ka bisha December ee sanadkan 2017 ay ku soo gudbsio dacwada ka dhanka ah ee ay horay Soomaaliya Maxkamadda ugu gudbisay sanadkii 2014.
Maxkamadda waxay meesha ka saartay diidmada Kenya ee aheyd inay wada hadal ka galaan labada dal, kaddib markii dowladda Soomaaliya diiday inay wada hadal ka galaan muranka xadka badda.
War baahinta caalamka ayaa baahinaysa in Xaakimiinta Maxkamadda ICJ ay sheegeen inay awood u leeyihiin in ay xeeriyaan ama go’aan ka gaaraan khilaafka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlada Kenya, kaasoo ku saabsan badweynta Hindiya iyadoo ay dhex ceegaagaan gunta badaas saliid iyo gaas faro badan.
Labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km oo labo jibbaaran, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduudda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.
Dacwada u dhaxeysa labada dal Kenya iyo Somalia ayay dad badan aaminsan yihiin inay sannado badan qaadato, isla markaana Maxkamadda ay marba dhinac dhageysan doonto Qarreenada u doodaya labada dal.

Like it? Share it!

Leave A Response