Maxakamada ku taala Galmudug oo xukun dil ah ku riday haweeney

by Hassan Ali | Wednesday, Apr 5, 2017 | 109 views

5,March,2017(SofoNews) Kadib dhageysiga dacwadda loo heystay haweeneydaasi oo dil naxriis daro ah u geysanatay gabar 7 sano jir ah ayaa waxaa Maxkamad ku taala Magaalada Cadaado ay xukun dil ah ku riday haweeneydaasi.
Dilkaasi ayaa wuxuu ka dhacay 6dii bishi MArso ee tagtay waxaana ay shegeety in sabaabta ay u dishey ay tahay in ay dhibaatooyin ay u geysanaysay caruur ay dhashey.
Garsooraha maxkamada Galmudug Sheekh Maxamed Guuleed Kaynaan ayaa sheegay reerka ay lasoo jeedo gabadha yar ee la gowracay in ay diideen in ay qaataan diyo ayna codsadeen in dil qisaas ah lagu fuliyo haweeneuda dishay gabdhooda.
Qeybaha bulshada ee kunool magaalada Cadaado ayaa siweyn uga xumaaday dilka gabadhaasi yer loo geystay kuwaasi oo dalbaday in cadaaladda la horkeeno haweeneyda falkaasi ka dambeysay.

Like it? Share it!