Maxaad kala socotaa xaaladda caafimaad Abwaan(Hadraawi)

by Hassan Ali | Saturday, Oct 29, 2016 | 136 views

29,Oct,2016(SofoNews) Xaaladda Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawe ayaa soo hagaageysa, isaga oo ku xanuunsan hoygiisa oo ku yaala magaalada Burco.

Abwaan Hadraawi ayaa la sheegay in xaaladiisa caafimaad ay iminka soo hagaageyso.

Afhayeenka Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure iyo xubno la socda ayaa ku booqday Hooyga Abwaan Hadraawi ee magaalada Burco, iyagoo ka xogwareystay xaalada uu ku suganyahay.

Abwaan Guure ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin booqashada ay ku tegeen magaalada Burco, taasi oo ujeedkooda tahay ka warqabidda xaaladda caafimaad ee abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”.

Like it? Share it!