Maxaad kala socotaa magacaabista golaha wasiirada

by Hassan Ali | Saturday, Mar 18, 2017 | 110 views

17,March,2017(SofoNews) Is qab qabsi ku aadan magacaabista golaha wasaaiaraddaaya laga dareemaya Muqdisho ayadoo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu caqabado kala duwan kala kulmaya magacaabista golaha Wasiirada, waxaana soo baxaya warar sheegaya in ay jiraan khilaaf ka dhashay magacaabista Golaha Wasiirada kaasi o beelaha qaar ay isku haystaan.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa lagu waramayaa in ay qeyb ka yihiin caqabadaha magacaabista Wasiirada ka heesta R/Wasaaraha, waxa ayna labadan masuul doonayaan in golaha lagu daro xubbo iyaga aad ugu dhaw dhaw.
Waxyaabaha ugu badan oo la isku haysto ayaa waxaa kamid ah in xukuumaddu ay noqoto 25 ama 30 taasi oo ujeedkeedi uu yahay in beelaha kale ay wax helaan.
Madaxweynaha K/Galbeed iyo Guddoomiyaha baarlamanka ayaa isku haya magacaabista xubnaha qaar ayadoo mid kasta uu doonayo in lamagacaabo shaqsiyaad uu wato.
Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo caqabadaha Ra’isul Wasaaraha ka heesta in uu soo dhiso Xukuumad tay leh ay wada shaqeyn karaan, waxaana marar badan kulamo hoose wada qaatay Madaxweynaha ,R/Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka inkastoo aysan natiijo kasoo bixin kulamadaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response