Maxaa kajira in sarkaal Itoobiyaan ah uu Soomaaliya isku dhexdilay

by Hassan Ali | Thursday, Mar 16, 2017 | 78 views

16,March,2017(SofoNews) Wararka ka imaanaya degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Sargaal katirsanaa Ciidanka Dowlada Itoobiya oo kusugnaa gudaha gobolkaasi oo isdilay.
Ilo wareedyo ku dhow dhow Masuuliyiinta maamulka Degmada Garbahaarey ayaa tilmaamaya in sargaalka is dilay loo diiday in fasaxo la siiyo si uu u aado qoyskiisa oo kunool magaalada Adis Abababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Sargaalkan oon magaciisa la shaacin ayaa la tilmaamay in uu saakay isku dhax dal dalay xeradii uu ku sugnaa, waxaana meydka sargaalkaasi durba loo qaaday magaalada Adis Ababa oo la sheegay in ehelkiisa ku nool yihiin.
Ciidamada ka socda Wadamada dariska iyo ciidamada kale ee magaca AMISOM ku jooga Soomaaliya ayaa mararka qaarkood is dila kadib marka uu ku dhaco isku buuq, waxaana horey isku dilay ciidamo kale oo katirsanaa AMISOM oo ka howl galayay gudaha Soomaaliya.
Majiraan wax war ah oo arintan ay ka soo saareen saraakiisha militariga Itoobiya ee kusugan Soomaaliya, mana ahan markii ugu horeysay oo fal nuucaan ah ay ku dhaqaaqaan ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response