Maxaa ka soo baxay kulankii deg dega aha ee Jawaari iyo Kheyre

by Hassan Ali | Sunday, Mar 26, 2017 | 235 views

Ayadoo uu jiro walwal xukuumadda uu soo dhisay raiisul wasaare Kheyre ay kala kulmayso baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa soconayan dadaalo uu raiisul wasaaruhu ku doonayo in lagu wajoho arintaasi.
Ilo wareedyo ku dhow dhow xafiisyada raiisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay kulan deg deg ah ay wada yeesheen labadaasi mas’uul ayagoo ka wada hadlay sidii loo xalin lahaa qilaafaadka haatan soo ifbaxay.
Majiraan war rasmi ah oo ka soo baxay kulankooda balse waxaa jira warar sheegaya in natiijo la’aan uu ku dhamaday kulankaasi.
Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya ayaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u gudbiayay talo soo jeedin ka timid xildhibaano boqol kor u dhaafaya oo sheegay in lagu xad gudbay habka awood qeybsiga beelaha ee 4.5, waxayna sheegeen in ra’isul wasaaraha looga baahan yahay inuu dib ugu laabto.
Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa heysta muddo lix maalmood gudahood ah oo uu Baarlamanka ku horgeynayo golihiisa cusub ee wasiirada, waxaana u furan inuu wax ka bedelo golihiisa wasiirada iyo inuu sidooda u daayo.

Like it? Share it!