Maxaa ka cusub Dharkenley?

by admin | Thursday, Nov 26, 2015 | 416 views

Warar faafaahsan ayaa ka soo baxaya weerar Kooxo Hubeysan ay  labo qof ugu dileen magaalada Muqdisho.  Weerarka ayaa ka dhacay xaafadda Suuq Boocle ee degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir.

Labada qof ee la dilay ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu ahaa Askari ka tirsan Minishiibiyada Canshuurta uruurisa, Halka qof kalena uu ahaa Sarifle.

Kooxaha weerarka fuliyay ayaa isaga baxay goobta mana jirin cid ku guuleysatay soo qabashadooda.

Ciidamo goobta gaaray ayaa rasaas ay fureen waxaa dadka deegaanka ay sheegeen in ay dhaawacyo u geysteen kuwo katirsan dhaqarqabayaasha hasee yeeshee waxaa ay ka baxsadeen goobta.

Howlgallo laga sameeyey deegaanka ayaannu jirin dad lagu soo qabtay oo lala xiriirinayo weerarka dhacay.

Like it? Share it!