Markab laga leeyahay Imaaradka CArabta oo lagu qafaashey xeebaha Soomaaliya

by Hassan Ali | Tuesday, Mar 14, 2017 | 73 views

14,March,2017(SofoNews) Sida ay sheegayaan ilo wareedyo laga helayo gobolka Mudug, kooxo burcad badeed Soomaali ah ayaa lagu soo waramaya in ay afduub u geysteen markab kusugnaa xeebaha gobolkaasi mudug.
Saraakiisha ammaanka ee Soomaalia ayaa sheegay in koox burcad-badeed soomaali ay badweynta India ka afduubteen Markab weyn oo nooca shidaalka qaada ah kuwaasi oo ku andocoonaya in ay maraakibtaasi jariif ka wadaan biyaha Soomaaliya.
Markabkan o ka dulbabanayay calanka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegey in kooxahaasi ay ula dhaqaaqeen deegaano katirsan Puntland waxaana la sheegayaa in uu yahay markab ganacsi.
Ilaa 8 qof oo kamid ah kooxaha burcad badeed Soomaalid ayaa la sheegaya in ay ka qeyb qaateen afduubkasi loo geystay markabkan ka dul babanayaay calanka Imaaraadka mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay Imaaraadka iyo maamulada Puntland iyo Galmudug ee ku aadan afduubkaasi.
Talaabooyinkani ayaa ku soo beeggmaya xili ay yeraanayaan howlagaladii lagula dagaalamayay burcad badeedda oo ka soconayya xeebaha Soomaaliya iyo biyaha caalamiga ah.

Like it? Share it!

Leave A Response