Markab afduub loogu haystay Puntland oo la sii daayay

by Hassan Ali | Friday, Mar 17, 2017 | 226 views

17,March,2017(SofoNews) Kadib howlgalo ay sameeyeen ciidamada amaanka xeebaha Puntland ayaa waxa ay ku soo furteen Markab xamuul ah oo ay afduub u heysteen dableey hubeysan kaasi oo lagu haystay xeebaha deegaanada Puntalnd.
Wararka qaar ayaa sheegaya in kaalinta ugu weyn ay lahaayeen Odayaasha deegaanka Caluula oo sheegay in ay dableyda ku qanciyeen in ay sii daayaan markabka iyo shaqaalaha saaran, iyadoo an la siinin wax lacag madax furasha ah.
Markabka oo siday shidaal ayaa kooxahan hubeysani waxa ay Isniintii ka qafaasheen xeebaha gobolka Bari waxana laga leeyahay dalka Jarmalka balse ka dulbabanayay calanka wadanka Sirilanka.
Waxaa uu noqonayaa Afduubka markabka kii ugu horeeyay ee xeebaha Soomaaliya ka dhaca muddo 5 sano ah ayadoo midowga Yurub ay walaac ka muujiyeen falalkaasi oo haatan dib u soo cusboonaanaya.
Dableyda afduubatay markabkaasi ayaa ku andacootay in ay yihiin kalluumeysato dhibaato badan kala kulmay maraakiibta sidda sharci darrada ah uga jillaabata xeebaha dalkeena.

Like it? Share it!