Mareykanka oo si Dhameystiran uga Caawinaya Dowladda la Dagaalanka Al-Shabaab

by admin | Wednesday, Jul 12, 2017 | 117 views

12 July 2017 (SofoNews) – Xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson; ayaa sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay taageerada Soomaaliya.

Mareykanka ayaa tilmaamay in uu gacan weyn ka geysan doono ciribtirka Xoogagga jihaadiga ah ee ka howlgala Soomaaliya kuwaasi oo dagaal kula jira dowladda ay taageeraan Galbeedka.

Isaga oo khadka telefoonka kula hadlayaya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayuu Xoghayuhu sheegay in si dhameystiran ay u caawinayaan Soomaaliya si loo xoojiyo dadaalada nabadeed.

Mareykanka ayaa horey u fuliyay weeraro dhanka cirka ah kaasi oo lagu wiiqay awoodda al-Shabaab, isaga oo duqeeyay deegaano ay ku dhuumaaleystaan hogaamiyayaasha al-Shabaab.

Like it? Share it!