Mareykanka oo sheegey in duqeyntii uu ka geystey deegaano katirsan Galmudug ay ahayd mid si qalad ah u dhacday

by Hassan Ali | Friday, Nov 11, 2016 | 194 views

11,November,2016(SofoNews) War Qoraal ah oo  ka soo baxay Pentagonka Maraykanka ayaa lagu sheegay Duqayntii ay ka geysteen 28-kii September Gaalkacyo gaar ahaan dhanka ay ka taliso galmudug uusan ahayn mid lagu Bartilmaamedsaday Al-shabaab, balse uu khasaara ka soo gaaray Malleeshiyaad degaankaas ah.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa aysan jirin wax ka tirsan Malleeshiyada Al-Shabaab oo halkaasi lagu duqeeyay, madaama markii hore la sheegay in xogag ka tirsan Argagisada lala beegsaday weerarka.

Maraykanka ayaa sheegay in ay weerarkaas ku dileen 10 Malleeshiyo iyo dhawaca Seddex kale balse usan jirin khasaro kale oo dhanka Shacbka ah oo ay gaysteen, sida Warbixinta lagu yiri.

Maalin kaddib weerarka ayaa Maamulka Galmudug waxay ku eedeyeen dhanka Puntland in ay qayb ka ahayd, maaddaama ay warbixin qaldan siiyeen Ciidamada Maraykanka ee duqeynta geystay.

Maraykanka ayaa warbixinta ay soo sareen waxay ku sheegeen,in Duqaynta ay timid kad dib codsi uga yimid dhanka hoggaanka Ciidamada Puntland iyo qiimeyn ay sameeyeen ka hor duqaynta dhacday.

Baaritaanka dhacdadas iyo jawaabta Maraykanka ayaa timid,markii Dowladda Federalka ay weydiisay sababaha keenay in Diyaradaha Maraykanka ay sameeyaan duqayntaas iyagoo xitaa aan ku soo wargelin Dowladda Somaaliya ama wax ka weydiin.

 

Like it? Share it!