Mareykanka oo Malaayiin dul-dhigay hogaamiyayaal katirsan al-Shabaab

by admin | Wednesday, Nov 11, 2015 | 402 views

Dowladda Mareykanka ayaa Hogaamiyayaal katirsan  al-shabaab waxaa ay dul-dhigtay malaayiin dollar waxaana xubnahasi kamid ah Axmed Diiriye Abuu Cubeyda,Kuxigeenkiisa C/raxmaan Maxamed Warsame oo loo yaqaano Mahad Karataay iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Kooxda.

Mareykanka ayaa sheegay in Lacagtaan la siin doono qofkii Xog ka so gudbisa Hogaamiyayaasha la doon doonayo.

Axmed Diiriye Abuu Cubeyda Hogaamiyaha Al-shabaab ayaa Madaxiisa la dul dhigay 6 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah.

Mahad Karataay  oo sidoo kalena  loo yaqaanno C/raxmaan Maxamed  Warsame oo ah Kuxigeenka Hogaamiyaha Al-shabaab ,Macalin Daa’uud iyo Xasan Afgooye oo iyaguna ka tirsan Madaxda Al-shabaab waxaa Madaxooda la dul dhigay 5 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah.

Axmed Iimaan Cali iyo Macalin Salmaan  oo ah Labo Sargaal oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab waxaa iyagana Madaxooda la dul dhigay 3 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah.

Mareykanka ayaa horey weerar dhanka cirka ah waxaa uu ku dilay hogaamiyihii kooxda al-Shabaab Ahmed Godane, waxaa sidoo kale weeraro lagu dilay saraakiil sare oo kooxda katirsanaa.

Al-Shabaab ayaa lagala wareegay deegaanno dhowr ah oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

 

Like it? Share it!