Mareykanka oo hakiyay duulimaadyada Paris

by admin | Saturday, Nov 14, 2015 | 450 views

November 14, (SOFO NEWS)-Duulimaadyadii mareykanka ayaa hakad la geliyay kaddib markii weerarkii argigaxa lahaa uu ka dhacay Paris kaasi oo ay ku dhinteen inkabadan 140 qof kuna dhaawacmeen 200.

Diyaaradaha mareykanka, meesha adduunka ugu mashquulsan dhanka Traffica ayaa shegay in ay  daahiyeen, qaarkalena joojiyeen duulimaadyadii mareykanka ee Paris.

Afhayeen u hadlay Mareykanka ayaa xusay in ay sugayaan warar dheeri ah oo ku saabsan xaaladda nabadgelyo islamarkaasina ay hakad geliyeen duulimaadyada ilaa warar faafaahsan oo amni quseeya ay ka helayaan.

Weerarkii Paris ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dhaq dhaqaayada duulimaadyada iyo nabadgalyada wadanka.

Dalal badan ayaa si isku mid ah u cambaareeyay weearada Paris.

Like it? Share it!