Mareykanka oo amray in la baaro muwaadin Soomaaliyeed oo tuhun ugu xiran dalka Coas Rica

by Hassan Ali | Friday, Mar 24, 2017 | 101 views

24,March,2017(SofoNews) Muwaadinkan Soomaaliyeed oo ku xiran xabsi kuyaala dalka Coast rica ayaa waxaa qabtay ciidamada amaanka dalkaasi waxaana ay sheegayaan in lala xiriirinayo in uu katirsanyahay kooxaha argigixisada caalamka.
Dalka Costa Rica ayaa lagu xirey muwaadin Soomaali ah kaasoo lagu tuhunsan yahay inuu ka mid yahay Argagaixo Caalami ah kadib markii uu galay dalkaas isagoo ka soo gudbay wadanka jaarka la ah ee Panama.
Ninkan Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ahaa qof musaafir ahaa waxaana uu ka soo gudbay xadka dalka Coast rica uu lawadaago dalka Banama,islamarkaana y gacanta ku dhigeen ciidamada amaanka dalkaasi.
Xukuumadda Washington ayaa wadda baaritaano lagu sameyo tuhunka laga qabo muwaadinkaasi Soomaaliyeed si uu u helo xuquuqdiisa, ayadoo Dowlada Costa Rica ay ku sheegtay ninkan dhalinyarada ah magaciisa Ibrahim Qoordheen da’adiisana 25 sano.
Xabsi kuyaala magaalada San Jose ee xarunta dalkaasi Coast Rica ayaa lagu xiray muwaadinkaasi Soomaaliyeed,

Like it? Share it!

Leave A Response