Mareykanak oo Dalka Afganistaan ku tijaabiyay Bomkii ugu weynaa caalamka

by Hassan Ali | Friday, Apr 14, 2017 | 239 views

14,April,2017(SofoNews) Markii ugu horeysay ayaa ciidamada Milateriga Maraykanka waxay gantaalkii ugu weynaa caalamka oo xagga Bomka ah ku tijaabiyeen dalka Afganistaan kaasi oo la sheegey in lagu beegsaday goob latuhmayaya in ay ku suganyihiin Daacish.

War ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee Mareykanaka ayaa lagu sheegey in bamkan oo loogu magaca daray Hooyada bambada (GBU-43/B MOAB) lagu weeraray gobolka Nangarhar halkaasi oo la rumaysanyahay in ay saldhigyo muhiim ah ay ku leeyihiin ururka Daacish.

Ilaa iyo haatan lama xaqiijinkaro inta uu la egyahay qasaaraha ka dhashey Bombaasi lamina hayo faah faahin ku saabsan qasaraha rasmiga ah inkastoo meesha lagu tuuray ay xarumo muhiim ah ay ku lahaayeen Daacish Saraakiil maraykan ah ayaa sheegay in bamkan uu yahay kii ugu cuslaa ee abid la rido marka laga reebo bambooyinkii nuclerka ahaa ee lagu isticmaalay dagaalkii labaad ee dunida magaalooyinka Heroshima & Nagasaki ee dalla Jaban. Sida ay sheegeen saraakiil katirsan wasaaradda difaaca ee Mareykanak e Gentigonka Markii ugu horeeyay ayaa bamkan la tijaabiyay sanadkii 2003 balse si rasmi ah hadda ka hor looguma weerar tegin. Bamkan oo culeyskiisu gaarayay 9,800-kg dhererkiisuna 9m ayaa lagu tuuray degmada Achin iyadoo saraakiil u hadashay ciidamada Maraykanka ay sheegeen inuu haleelay bartilmaameedkii loogu talo galay. Weerarkan ayaa yimid ka dib markii toddobaadkii hore lagu diley askari Maraykan ah oo ka mid ah ciidamo la dagaalamayay ururka Daacish gobolka Nangarhar sida saraakiisha maraykanku sheegeen illaa haddana faahfaahin lagama bixin khasaaraha ka dhashay.

 

Like it? Share it!