Maraakiib iyo diyaaradaha dagaalka oo gaaray deegaanka Qandala iyo dagaalo ka dhacay halkaasi

by Hassan Ali | Wednesday, Nov 2, 2016 | 261 views

2,Novermber,2016(SofoNews) Dhaq dhaqaaq ciidan o xoog leh ayaa laga dareemayaa nawaaxiga deegaanka Qandala halkaasi oo ay gaareen ciidamo ka socda Puntland, ciidamada ka yimid deegaano kala duwan ayaa xiray wadooyinka taga magaalada Qandala oo ka yimaada dhanka Bariga, maadaama dhinaca Galbeedka Qandala ee soo xiga magaalada Bosaaso ay ku yaalaan buuro isla markaana aysan gaadiidka mari karin.

Wararka ayaa sheegaya in weerara xoogan uu halkaasi ka dhacay kadib markii ciidamada Puntland ay duulaan halkaasi ku qaadeen, sidoo kale waxaa jira warara sheegayaa in diyaaradaha dagaalka ay duqeeyeen deegaankaasi.

Xeebta magaalada Qandala iyo bada u dhaxeysa Puntland iyo Yemen ayaa la sheegayaa inay yimaadeen Maraakiib dagaal oo ka socda NATO kuwaasi oo la sheegayo inay ka qeyb qaadanayaan ama baarayaan doonyo laga shaki qabo inay ka yimaadaan dhinaca Daacishta Yemen ee gacanta siisa kooxda uu hogaamiyo Cabdulqaadir Muumin.

Nawaaxiga magaalada Qandala ayaa ka dhacday duqeyn, waxaana la sheegayaa in goobaha la duqeeyey ay yihiin baro ay fariisimo ka dhigteen Daacish oo ka baxsan magaalada Qandala isla markaana ku yaal buuraha ku hareeraysan magaaladaasi.

Hawlgalkan ayaa la filayaa inuu muddo qaato maadaama dhulkaasi uu yahay deegaan aad u baaxad-weyn isla markaana ah Buuraley aysan gaadiidka mari karin, waxaana la hadal hayaa dhaq dhaqaaq ay ciidamada Puntland ka wadaan deegaano dhinaca bari uga beegan magaalada Qandala oo la sheegay inay ku sugan yihiin Saraakiisha hogaamisa Daacishta Soomaaliya ee dusha ka hagaya kooxihii dhawaan halkaasi gaaray.

 

 

Like it? Share it!