Maraakiib dagaal oo gaaray Xeebta Qandale iyo Daacisho oo dagaal u diyaarsan

by Hassan Ali | Tuesday, Nov 1, 2016 | 173 views

1,November,2016(SofoNews) Ilo wareedyo SomaliaFocus ay ka heleyso Puntlanda ayaa sheegay in xeebta deegaanka Qandala ee gobolka Bari  lagu arkay maraakiib dagaal aan la ogeyn cida iska leh ayadoo halkaasi ay weli joogaan dagaalyahano katirsan Daacish.

Jaamac Maxamed Kuurshe oo ah guddoomiyaha deegaanka Qandala ee Gobolka Bari ayaa sheegay in Degmada wali gacanta ku hayaan dagaalyahano katirsan Daacish, waxa uuna intaasi ku daray in inta badan dadkii shacabka ahaa ay halkaasi ka barakaceen.

Guddoomiyaha  ayaa sheegay in xeebta deegaanka Qandala ay ku sugan yihiin Maraakiib dagaal kuwaa uu tilmaamay in ay kor kala socdaan dhaq dhaqaaqa dagaalyahanada Daacish ee maamulaya Qandala.

Mamaulka Puntland ayaa lagu soo warramaya in Ciidamo aad u hubeysan uu u diray deegaanada ay ku sugan yihiin kooxaha daacish kuwaasi oo la qorsheynaya in ay k ahortagaan koxda Shabaab.
Magalad Boosaaso ee xarunta gobolka Bari iyo Deegaanka Qandalada ayaa musaafo ahaan isku jira 77 KM ayadoo ay ka mid tahay deegaanada muhiimka u ah kooxahaasi.

 

Like it? Share it!

Leave A Response