Makamad ku taala dalka Mareykanka oo ka biyo diiday go’aankii madaxweynaha

by Hassan Ali | Sunday, Jan 29, 2017 | 107 views

29,January,2017(SofoNews) Maxkamadda magaalada New York ayaa taageertay dood sharciyadeed  ay gudbiyeen dadka ka soo horjeeda xannibaadda sida ku meelgaar ka ah uu Trump u saaray dadka ka safraya todobo dal oo Muslimiin u badan.

Xeer ilaaliyayaha maxkamadda ayaa amray in dadka lagu xirxiray garoomada dayuuradaha inaan la musaafurin karin. Dadkaas ayaa la qabtay kaddib markuu dhaqan galay dikreetadii uu Trump saxiixay.

Madaxweyne Trump ayaa difaacay go’aankiisa uu sida ku meelgaarka ah Mareykanka uga mamnuucay dadka ka safraya todobo dal oo Soomaaliya ay ku jirto.

Donald Trump wuxuu Suxufiyiinta u sheegay in shuruucda cusub si wanaagsan looga shaqeeyay. Wuxuu diiday inuu Muslimiinta xayiraadan uu saaray.

Dadka diiddan ayaa sharciga la tiigsaday si looga noqdo go’aanka, Garoonka diyaaradaha ee John F Kennedy ee New York,  oo lagu xiray dad masaafuriin ah, ayaa dibad baxayaal ay tageereen.

Dadka xayiraadda la saaray waxaa ka mid ah kuwa haysta kararka loo yaqaano – Green Card – ee la siiyay deganaanshaha joogtada ah ee Mareykanka.

Soomaali aad u fara badan ayaa walaac ka muujinaya go’aanka madaxweynaha Mareykanka taasi oo ay ku tilmaameen in ay tahay mid dhabar jab ku ah ayago.

Like it? Share it!

Leave A Response