Magalaad Cadaado oo lagu qabtay bandhiga buug oo ka hadlaya arrimaha Soomaaliya

by Hassan Ali | Friday, Oct 28, 2016 | 132 views

28,Oct,2016(SofoNews) Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Macalin C/raxmaan Cadaawe Maalin waxa uu ku soo bandhigay Buug uu ugu magac daray “Far maal” oo ka hadlaya xoojinta afka Soomaaliyeed iyo ku tarabiyaynta Carruurta.

ka soo qaybgalayaasha bandhiga ayaa Buuggan oo ka kooban afar qaybood waxa ay ku tilmaameen mid ka wax ka taraya baahiyaha loo qabo in dhallaanka Soomaaliyeed afkooda lagu tarabiyadeeyo.

C/raxmaan Cadaawe Maalin oo ah qoraaga buuggan ayaa sheegay in macluumaad badan uu ku soo uruuriyay, kaasoo uu dhaxal uga dhigaayo bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada dawlad goboleedka Galmudug Abshir Cabdi Shiikhow ayaa sheegay in ay dhiiri galinayaan aqoonyahanada ku dhiirada inay qoraallo waxtar leh sameeyaan.

Qoraalada buugaagta iyo qoraalladla kale kuma badnayn deegaankan, balse hadda kobaca ay samaysay waxbarashada ayaa keentay in arrintaasi lagu baraarugo.

Like it? Share it!

Leave A Response