Magaalada Cadaado oo wado cusub laga hirgeliyay

by Hassan Ali | Sunday, Feb 5, 2017 | 141 views

5,February,2017(SofoNews) Wasiiru dawlaha arrimaha gudaha Galmudug Cumar Guureeye oo uu wehliyey guddoomiye ku xigeenka magaalada Cadaado ayaa xarigga ka jaray laba waddo oo jey ah oo laga hirgeliyey magaalada cadaado, waxaana lagu dhisay mashruuca horumarinta degmooyinka ee marka  magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan JPLG, isla markaasna ah mashruuc ay bixiyaan ilaa shan hay’adood oo kamida hay’adaha Qaramada midoobay.

Guddoomiye ku xigeenka magaalada Cadaado Nuur yarow xayle oo ugu horreyn hadlay  ayaa  ka warbixiyey barnaamijka JPLG iyo muddadii uu cadaado ka socday wixii laga faa’iiday wuxuuna sheegey in wax badan laga faaiday mashaaricda horrumarineed.

Wasiiru dawlaha arrimaha Gudaha Galmudug Cumar Guureeye ayaa dhagaxdhigga ka dib ka warbixiyey waddooyinkaan cusub

Hay’adaha jplg shaqada ay ka qabatay magaalada magaalada Cadaado waan uga mahadcelinaynaa, waxaan kaloo ka codsanaynaa inay degmooyinka kale ee Galmudug barnaamijyadaan oo kale ay ka fulis, waxaan rajaynaynaa dhawaan in degmooyinka Galmudug oo dhan ay yeeshaan golayaal deegaan islamarkaasna lasoo doorto guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Like it? Share it!