Magaalada Baydhabo ee QM ay ka furtay xarun lagu daryelo dhibanayaasha abaarta

by Hassan Ali | Tuesday, Mar 21, 2017 | 97 views

21,March,2017(SofoNews) Magaalaad Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa muddooyinkan waxaa ku soo qulqulaya boqolaal qoys oo ka soo cararaya dhibaatooyinka abaarah ee deegaano katirsan gobolada Bay iyo Bokool.
Dadka oo laga dheehan karo macluul iyo gaajo aad u daran ayaay isugu jira caruur rag iyo hawen kuwaasi oo haatan doorbiday in ay gar gaar ka helaan bulshada SOomaaliyeed waxayna kujiraan xeryaha kuyaala magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Hay’adaha gar gaarka ee QM ayaa Xaruntan cusub waxay kafureen magalaada Baydhabo taasi oo loogu talagalay daryeelka dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Kuxigeenka isku duwaha gargaarka bani’aadanimada ee Qaramada Midoobey Vincent Leli ayaa sheegay in xarunta laga furay Baydhabo ay sahli doonto in laga qorsheeyo howl galada bani’aadanimada ee gobolka.
Waxaa uu sheegay in deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay ka mid ah meelaha ugu daran ee abaartu saameysay.
Mas’uuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in xaruntan loo isticmaali doono sidii deg deg wax looga qaban lahaa abaarta iyo xaaladaha ka jira gobolada koofur galbeed.

Like it? Share it!