Madxweynaha HirShabeele oo gaaray Buula-Burde

by Hassan Ali | Thursday, Apr 20, 2017 | 117 views

20,April,2017(SofoNews) Wefdigan uu hogaaminayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo uu kamid yahay  Taliyaha ciidamada AMISOM ee dalka Jabuuti ayaa tagay degmada Buula BUrde ee gobolka Hiiraan halkaasi oo lagu soo dhaweeyey.

Waxyaabaha looga hadlay kulanka ayaa ahayd   dil shalay loo geystey mid kamid ah ciidamada AMISOM ee dalka Jabuti ee ka howlgala magaalada Buuloburte iyo sidiii wax looga qaban lahaa xisado halkaasi kataagan.

Guddomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo xubno uu horkacayo ayaa gaaray magaaladaasi kuwaasi oo qeyb ka ahaa dadaalka lagu dhameynayay dhacdadaasi.

Madaxweynaha HirShabeele ayaa ugu baaqay bulshada deegaankaasi in ay ka shaqeyaan nabadda iyo degnanshaha si loo xaqiijiyo sugidda amniga.

Ciidamada JAbuuti oo kamid ah howlgalka Amisom ee Soomaaliya ayaa ka howlgala gobolka Hiiraan kuwaasi oo kaalin weyn ka qaatay ladagaalanka Alshabaab.

Like it? Share it!