Madaxweynihii hore ee Gambia oo dalkaasi isaga baxay

by Hassan Ali | Sunday, Jan 22, 2017 | 116 views

22,January,2017(SofoNews) Madaxweynihii hore ee Gambia  Yaxye Jaameh oo muddooyinkii ugu dambeyeey ka biyo diidsanaa in uu baneeyo xafiiska madaxweyenimo oo loogu guulaystay ayaa gaaray dalka Equatorial Guinea ka dib markii isaga baxay dalkaas, si shaqada uu ula wareego madaxweynaha cusub.

Madaxweyne Yaxya jammeh oo dalka ka baxay ka dib heshiis iyo cadaadis ay saareen dalalka galbeedka Afrika ayaa hadda gaaray dalkii uu ku socday Equatorial Guinea halkaasi oo magangeliyo siyaasadeed oo kujoogidoono.

Wuxuu Equatorial Guinea ku ahaan doonaa qof iskii isaga musaafuriyay dalkiisa ayadoo dowladda dalkaasi ay soo dhaweysay arrinkaasi.

Madaxweynaha dalkaasi ee dhawaan la doortay Adama Barrow ayaa sirasmi ah ula wareegay talada dalkaasi ayadoo haatan isbedelo dhanka siyaasadda ah ay kajiraan wadankaasi Gambia.

Yaxye Jaameh ayaa 22 sano soo hogaaminayaay dalka Gambia, dhawaan ayaa looga adkaaday doorashadii madaxtinimo natijadii hore wuu ogolaaday balse goor dambe ayuu diiday taasi oo keentey in cadaadis ay saaraan hogaamiyaasha dalalka Galbeed Africa.

Like it? Share it!

Leave A Response