Madaxweyne Xasan Sheekh oo Itobiya gaaray iyo siweyn oo loo hadalhayo

by Hassan Ali | Monday, Jan 30, 2017 | 168 views

30,January,2017(SofoNews) Wefdigani uu hogamiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u amba baxay dalka Itoobiya halkaasi oo uga qeybgalayaan shirkii 28aad ee hogaamiyasha midowga Africa.

Shirka ka furmaya Adis Ababa ayaa socon doona labo maalmood , waxa ayna Madaxda dowladaha Afrika ku dooran doonaan gudoomiyaha cusub ee midowga Afrika oo ay isku soo sharaxeen dhowr musharax oo ay ku jirto wasiirka arrimaha dibeda Kenya Aamina Maxamed.

Sidoo kale waxaa looga hadlidoonaa shirkaasi arrrimaha abaaraha iyo amniga guud ahaan gobolka waxaana lafilayaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu kulamo gaar gaar ah la yeesho hogaamiyaasha shirkaasi ka qeybgalaya.

Shirkan ayaana kusoo aadaya xili Soomaaliya ka dhaceyso dooarshada Madaxweynaha , waxaana la filayaa in Madaxda Afrika ee shirka ka qeyb galeysa ay ka hadlan Doorashada Soomaaliya sanadkan ka dhaceysa.

Hadal haynta ugu badan ayaa ah ka qeybgalka shirkaasi madaxweyne Xasan SHeekh Maxuud oo kamid ah musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.

IMG_0525 IMG_0527 IMG_0528 IMG_0529

Like it? Share it!