Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambaliyo u diray Donal Trump

by Hassan Ali | Wednesday, Nov 9, 2016 | 305 views

9,November,2016(SofoNews) Madaxweynaha Soomaaliya  Xassan Sheekh Mohamud,ayaa maanta u hambalyeeyay Donald J Trump oo loo doortay Madaxweynaha 45-aad ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa yiri anigoo wakiil ka ah Jxukuumadda Federaalka Soomaaliya iyio shacbiga Soomaaliyeed ,waxaan jecelahay in aan dhambaal hambalyo ah u  gudbiyo  Donald J Trump oo guul ka soo hooyay doorashooyinkii madaxtinimo ee ka dhacay dalka Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Somalya ay diyaar u tahay ama in ay horay u dhigeyso wadashaqeynta kala dhexeysa Mareykanka si horay loogu dhaqaaqo ujeedooyinka laga leeyahay nabad waarta iyo horumar ay wada gaaraan Soomaaliya iyo Mareykanka

Madaxweynaha iyo shacbiga Soomaaliyeed waxa ay u rajeeyeen  “Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka iyo dadka dalkaasi Horumar,isagoo si gaar ah Xasan Sheekh uga mahadceliyay taageerada dowladda Soomaaliya ay ka heshay xukuumadda iyo shacbigeedas.

Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriira weyn ayadoo dowladda Mareykanka ya taageero balaaran ay siiso Soomaaliya.

 

Like it? Share it!

Leave A Response