Madaxweyne Shariif Xasan oo sheegey in dekedaha iyo garoonada dib loo howlgelindoono

by Hassan Ali | Tuesday, Mar 7, 2017 | 103 views

7,Mach,2017(sofoNews) Shariif Xasan Sheekh Aadan madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ayaa ka warbixiyay qorshe maamulkiisa uu ku doonayo horumarinta iala dhaqaalaha sida dekedaha iyo garoonada diyaaradaha.
Wuxuu xusay Shariif Xasan in dhowaan ay u guuri doonaan magaalada Baraawe oo ah xarunta Maamulka Koofur Galbeed, isagoo tilmaamay in meel gabo gabo uu marayo dayactirka garoonka diyaaradaha magaaladaas sidoo kale garoonka No 50 ayuu sheegey in dib u howlgelin lagu sameyndoono.
Madaxweynaha K/Galbeed ayaa soo hadal qaaday isku shaandheyn uu ku sameyn doono Golaha Wasiirada maamulkiisa, waxaana la sheegayaa in tani qeyb ka tahay qorshayaal uu uga hortagayo mucaarado uga imaanayay Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Koofur Galbeed.
Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynaha Koofur Galbeed ee ku aadan in dib loo howl gelinayo garoonka diyaaradaha Nambar 50 ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmo ka hor Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble uu ku dhawaaqay in dib loo howl gelinayo Garoonkii diyaaradaha Cisaley iyo Dekeda Ceel Macaan.
Deegaanada K/Galbeed ayaa waxaa aan ka jiray horumrobalaaran oo dhanka adeegyada bulshada ah tan iyo markii maamulka uu xilka qabtay Shariif Xasan Sheekh Aadan

Like it? Share it!