Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo xariga kajaray xarun lagu dhaqan celiyo Alshabaab

by Hassan Ali | Friday, Mar 3, 2017 | 76 views

3,March,2017(SofoNews) Xaruntani oo loogu talagalay in lagu dhaqan celiyo dadka ka soo baxay Alshabaab ayaa qorshaheeda wuxuu ahaa mid socday in muddo ah ayadoo haatan uu si rasmi ah u bilowday.
Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxaa laga dhisay xarun loogu tala galay in lagu dhaqan celiyo waxna lagu baro maleeshiyaadka hubeysan iyo sidoo kaled dhalinyarada marin habowday taasi oo dhismaheeda ay gacan ka geysatay dowladda Jarmalka.
Munaasabadda furitaanka oo ka dhacya Magaalada Kismaayo waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne kuxigeenka Jubbalad Maxamuud Sayid Aadan.
Dhismaha xaruntan laga hirgaliyay magaalada Kismaayo waxaa iska kaashaday hay`ad hoos tagta xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee UNSOM iyo sidoo kale safaaradda dowlada Jarmalka ku leedahay Soomaaliya.
Mas’uuliyiin katirsan dowlada goboleedka Jubbaland iyo saraakiil caalami ah ayaa goob joog ka ahaa furitaanka barnaamijkan waxayna sheegeen in ay muhiim u tahay dhalanyarada ka soo baxaysa Alshabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response