Madaxweyne iyo xaaskiisa oo dal wada xakumaya

by Hassan Ali | Tuesday, Feb 21, 2017 | 131 views

21,February,2017(SofoNews) Hogaamiayah dalka  Azerbaijan ayaa lagu soo waramaya in uu ku dhaqaatay talaabo ka yaabisay hogaamiyaasha dunida kadib markii xil muhiim ah qoyskiisa u magacaabay.
Keligii taliye Ilham Aliyev ayaa xaaskiisa Mehriba Aliyeva u magacaabey Madaxweyne ku-xigeenka kowaad ee dalka Azerbaijan, sidaas waxaa looga dhawaaqey xafiiska Madaxweynaha, sida lagu baahiyaya warbaahinta dowladda dalkaasi ka talisa.
Dalka Azerbaijan ayaa leh laba madaxweyne ku-xigeen oo kala ah kan kowaad iyo kan labaad, kadib marki dhawaan wax laga bedalay dasuurka dalkaas ayadoo Madaxweynaha la siiyey awood xad-dhaaf ah.
Qoyska Madaxweynaha Azerbaijan ayaa gacan adag ku haya dalkaas waxaana ay maamulaan dhamaan ilaha dhaqaalaha iyo ganacsiga gaaska iyo saliida waxaana ay xiriir dhaw la leeyihiin Ruushka.
Ilham Aliyev ayaa Azerbaijan xukumaayey tan iyo sanadkii 2003 markaas oo uu xilka kala wareegay aabihiis Heydar Aliyev.
Dalka Azerbaijan ayaa ku yaala koonfur galbeed qaaradda Aasiya, 1991 ka hor waxa uu ka tirsanaan jirey Midowgii Sofiyeeytiga, tirada dadkiisa ayaa lagu sheegaa in ay ku dhaw yihiin 10 milyan oo ay u badan yihiin Muslimiintu.

Like it? Share it!

Leave A Response