Madaxweyne Gaas oo xilkii ka qaaday agasimaha ladagaalanka burcad badeedda Puntland

by Hassan Ali | Monday, Mar 20, 2017 | 267 views

20,March,2017(SofoNews) Degreeto ka soo baxday Xafiisa Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xilkii looga xayuubiyay Agaasimaha Guud ee la dagaalanka burcad badeeda ee wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka ee Cabdirisaaq Maxamd Dirir (Ducaysane)
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegey in la tashaday Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka burcad-badeeda Siciid Maxamed, islamarkaana uu tixgaliyay baahida loo qabo isbadalka iyo dardargalinta lagu sameeyo Ladagaalanka burcad badeeda Puntland uu xilkii ka qaaday agaasimaha.
Wareegtadan ayaa soo baxday iyadoo madaxweynaha iyo wasiirka dekedaha ay dalka dibadiisa ku maqan yihiin, ayadoo anay jirin sabab ay muujiyeen madaxda Puntaland oo keentey xilka qaadistaasi.
Talaabadan ayaa imanaysaa iyadoo toddobaadkii hore dhalinyaro hubaysan ay xoog ku afduubeen markab shidaalka qaada oo lagu magacaabo ARS-13 oo marayay xeebaha Puntland, kaasi oo markii dambe ciidamada Badda Puntland ay ku khasbeen afduubayaashii inay ka degaan.

Like it? Share it!

Leave A Response