Madaxweyne Gaas oo soo saaray wareegto xil ka qaadis ah

by Hassan Ali | Sunday, Mar 5, 2017 | 113 views

5,March,2017(SofoNews) War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowlada goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xilka qaadis loogu sameyey mas’uul katirsanaa hay’adda waddooyinka qaabilsan ee Puntland.
Degreetada xafiiska madaxweynaha yaay u qorneyd sida tan Wareegto xeer Madaxweyne LR.21 ee March 03 2017 kuna saabsan xilka qaadis Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA).

Madaxweynaha Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dawlad goboleedka Puntland.

Markuu arkay. Garawsaday baahida loo qabo isbedel lagu sameeyo Maamulka sare ee Hay’adda Wadooyinka Puntland.
Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Guddiga sare ee Hay’adda PHA (BOD).
Wuxuu xeeriyey:
Wuxuu xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland Maxamuud Cabdinuur Aadan.
Waxaa xilkaas si KMG ah usiihaynaya Guddomiye ku xigeenka Hay’adda Wadooyinka Puntland.
Xeerkani wuxuu Dhaqan gelayaa markuu Madaxweynaha Puntland saxeexo, wuuna saxeexay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Lama oga ilaa iyo hatan sababta dhabta ah ee ka dambeysay xil ka qaadistan balse sida muuqata waxaa jira kalsooni daro ku aadan gudashada waajibaadka shaqo ee madaxa hay’adaasi iyo qilaaf uu kala dhexeeyo madaxda maamulka Puntland

Like it? Share it!