Madaxweyne Gaas oo ku hanjabay in Daacish iyo Shabaab ay ka saaridoonaan Puntland

by Hassan Ali | Tuesday, Jan 10, 2017 | 199 views

10,January,2017(SofoNews) C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo  oo gaaray magalaad Qandala ee gobolka Bari ayaa xalay ku hoyday degmadaasi isagoo u kuurgalaya xaaladaha guud ee deeganaadaasi.

Safarka Madaxweynaha Puntland ee degmada Qandala ayaa ah mid uu ugu kuur galayay xaaladda degmada, maadama dhawaan degmadaasi ay Puntland dib ugala wareegtay koox  taabacsan ururka Daacish.

Dr.C/wali Maxamad Cali Gaas ayaa halkaasi kula kulmay saraakiisha ciidanka Puntland oo uu ku bogaadiyay sida ay halkaasi uga xoreeyeen maleeshiyaadkii xoogga ku heystay, waxaana uu intaa ku daray inay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah kooxahaasi.

Koox taabacsan ururka Daacish ayaa dhawaan waxaa ay qabsadeen gacan ku haynta degmada Qandala ee gobolka Bari ayadoo dhawaan ciidamada Puntland ay dib u qabsadeen.

Qoysas aad u farabadan oo horey uga barakacay deeegaandaasi ayaa haatan dib ugu laabtay halkaasi inkastoo xaalado bani’aadanimo ay halkaasi kajiraan.

Safarka madaxweynaha ayaa ahaa dhanka badda taasi oo ku dareensiinaysaa in safarka dhulka ay suuro galtahay in ay lakulmaan weeraro kaga imaada kooxahaasi oo weli ku sugan qeybo kamid ah buuralayda gobolka Bari.

 

 

Like it? Share it!