Madaxweyne Gaas oo ka hadlay dagaalka Gaalkacyo

by Hassan Ali | Friday, Oct 28, 2016 | 122 views

28,October,2016(SofoNews) Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ku sugan Magaalada Carmo ee Gobolka Bari ayaa ka hadlay xiisadaha ka taagan Magaalada Gaalkacyo iyo la wareegidii kooxda Daacish ay la wareegeen Degmada Qandala ee gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland maanta ay mareyso in weerar ay ku soo qaadaan isbaheysiga Daacish, Shabaab, Dowladda Federaalka iyo Galmudug said uu sheegey madaxweyne Gaas.

C/wali Maxamed Cali Gaas  ayaa wuxuu sheegay Puntland in ay isaga filan tahay cidkasta oo weerar ku soo qaadda taasi oo ula jeedo xisadaha u dhexeeya Puntland iyo Galmudug iyo dhanka kale dagaalka uu kala dhexeeyo Shabaab.

Hadalkan ayuu ka sheegay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas xilli uu kulan la qaadanayay bulshada ku nool Magalada Carmo ee Gobolka Bari kulankaasi oo looga hadlayaya sidii loo heshiisiin lahaa maamulka Puntland iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Bari C/samad Galan oo dhawaan ku dagaalamay gobolka Bari.

 

Like it? Share it!

Leave A Response