Madaxweyne Gaas oo furay nidaamka xisbiyada badan

by Hassan Ali | Saturday, Mar 25, 2017 | 137 views

25,March,2017(SofoNews) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa sirasmi ah u daah furay nidaamka xisbiyada kadib munaasabadd ka dhacday ayaa ku dhawaaqay in puntland ay fasaxday furashadda iyo meelmarinta ururadda siyaasadda ee doorashooyinka gollaha degaanka, isagoo ku dheeraaday waxtarka iyo qiimaha ay u leedahay shacabka Puntland dimuquraadiyad lagu saleeyey diinteena iyo dhaqankeena wanaagsan.
Guddiga doorashooyinka kumeel-gaarka ee Puntland ayaa soo dhaweyey talaabada uu madaxweynuhu ku furay nidaamka xisbiyada badan ee Puntland.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in xukuumadda uu madaxda ka yahay ay diyaar u tahay hirgalinta hannaanka doorashadda xisbiyadda Puntland isla markaana ay tahay mid lagaga baxayo habka wax lagu qayb sado iminka.
Dhinaca kale, Goddoomiyaha kumeelgaarka ah ee guddiga Doorashadda Puntland Maxamed Soofe Xasan ayaa dhiniciisa sheegay in siyaasiyiinta doonaya inay furtaan ururo siyaasadeed ay macluumaadka la xiriira habraac doorashooyinka, xeerka ururadda siyaasadda iyo foomka diiwangalinta ay ka heli karaan xafiiska guddiga doorashadda ee Caasimadda Puntland.
Madaxweynaha Puntland uu marar badan sheegay inuusan doonayn in dib loo doorto, haddana lama oga in madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, gollaha wasiiradda iyo xubnahaha barlamaanku ay xisbi siyaasadeed furan doonaan, sidoo kaloo waxaan la sadaalin karin sida ay dadweynuhu u soo dhawayn doonaan furitaanka xisbiyadda madaama dib-u-dhacyo badan ay ku yimaadeen hanaanka doorashadda Puntland.

5I2A9707 5I2A9713 5I2A9724 5I2A9730 5I2A9752 5I2A9781

Like it? Share it!