Madaxweyne Farmajo oo ku dhawaaqay musiibo qaran oo ku dhufatay Soomaaliya(Sawiro)

by Hassan Ali | Tuesday, Feb 28, 2017 | 133 views

28,February,2017(SofoNews) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Faramaajo), ayaa ku dhawaaqay in abaaraha ka jira dalka ay yihiin musiibo qaran oo u baahan in si degdeg ah looga jawaabo.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in ay ka qeyb qaataan gargaarka loo fidinayo dadka ay abaarahu saamaayeen si looga gaashaanto in xaalad macaluul oo baahsan ay dalka ka dhacdo sidii lix sano kahor.
“Toddobaadyada iyo bilaha soo socdo, waxaan isugu gayn doonnaa awooddeenna, sidii loo dajin lahaa istiraatiijiyad looga hortagayo saameynta baahsan ee abaaraha, oo suuragal ah in ay isu badasho xaalad macaluul, hadddii aan haatan laga hortagin.”
“Waa in dhammaan qeybaha bulshada ay ka qeybgalaan gurmadkan lagu samatabixinayo nolosha dadka Soomaaliyeed. Dowladda waxa ay ahmiyadda koowaad siin doontaa gurmadka abaaraha. ” Ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayey shirkii maanta ee looga hadlayey gurmadka abaaraha.
Ugu dambeyntii , Madaxweynaha ayaa si joogta ah ula socon doona xaaladaha abaaraha, si gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed uu u noqdo mid gaaray meelihii loogu talagalay.
Hadalkan ayuu jediayaya kadib markii maanta uu magaalada Muqdisho ka furay shir heer sare ah oo looga hadlayo arrimaha abaaraha Soomaaliya.

IMG_4924 IMG_4935 IMG_4936 IMG_4941 IMG_4943 IMG_4945 IMG_4948 IMG_4949 IMG_4950 IMG_4953 IMG_4957 IMG_4961 IMG_4962 IMG_4963 IMG_4970 IMG_4973 IMG_4976 IMG_4991 IMG_4995 IMG_4998 IMG_5002 IMG_5010 IMG_5012 IMG_5016 IMG_5018 IMG_5025 IMG_5026 IMG_5032

Like it? Share it!