Madaxweyne Farmaajo oo xil cusub magacaabay

by Hassan Ali | Wednesday, Apr 26, 2017 | 82 views

26,April,2017(SofoNews) Degreeto uu soo saaray Madaxwaynaha Soomaaliya   Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa lagu magacaabay   Maareeyaha Guud ee Hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS Soomaaliya ayaa wuxuu u magacaabay xilkaan Mudane Yusuf Cabdi Cabdulle oo loo yaqaano “Yuusuf Jaalle”.

Yusuf Cabdi ayaa wuxuu horay u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Shabeellaha Dhexe ee dhinaca Arrimaha Siyaasadda.

Like it? Share it!

Leave A Response