Madaxweyne Farmaajo oo taliyaal cusub magacaabay kuna dhawaaqay dagaal cusub

by Hassan Ali | Thursday, Apr 6, 2017 | 145 views

6,April,2017(SofoNews) Degreeto ka soo baxday aqalka madaxtooyada villa Soomaaliya ayaa lagu magacaabay taliyaal cusub kadib markii xilkii laga qaaday taliyaashii hore.
Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa loo magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo horay isaga xilkan u soo qabtay.
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka waxaa loo magacaabay Jeneraal Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, halka Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen, C/llaahi Cali Caanood.
Taliyaha ciidanka Booliska waxaa loo magacaabay Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid oo isagu horey u soo qabtay xilkan
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa iclaamiyaay dagaal ka dhan ah Alshabaab isagoo dhanka kale ugu baaqay in ay ka faa’idaystaan fursadda ay siinayso dowladda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response