Madaxweyne Farmaajo oo ra’iisul wasaare cusub magacaabay

by Hassan Ali | Thursday, Feb 23, 2017 | 90 views

23,February,2017(SofoNews) Kadib wada tashi iyo dadaal dheeraad ah ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo wuxuu magacaabay ra’iisul wasaare cusub oo ay yeellan doonto dowladiisa sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya xarunta Madaxtooyada.
Xasan Cali Khayre oo ah Nin dhalinyaro ah ayaa loo magacaabay xilka raisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya , ninkan oo ah Aqoonyahan ayaana kasoo jeeda Beesha Murusade gaar ahaan Foor Culus Habar Ceyno.
Madaxweynaha ayaa boggiisa Twitterka ku xaqijiyey magacaabista raisul wasaaraha cusub.
Farmaajo ayaa u rajeeyeey raiisul wasaarihiisa in alle uu la garab galo xilkaasi loo dhiibay isago codsaday in lala shaqeeyo.
Xasan Cali Kheyre raisul wasaaraha cusub ee Somalia waa nin aan wax badan laga aqoon oo ku cusub saaxada siyaasada Somalia, wuxuu madax ka ahaa Hey’adda NRC ee dalka Norway.
Sidoo kale, Xasan ayaa ka mid ahaa Madaxda Shirkadda Soma Oil and Gas ee laga leeyahay dalka Britain, iyo la taliyeyaasha Madaxweynihii xilka ka degay Xasan Shiikh Maxamuud

Like it? Share it!

Leave A Response