Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay siihayah madaxweynaha Galmudug

by Hassan Ali | Saturday, Mar 4, 2017 | 112 views

4,March,2017(SofoNews) Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Max’ed C/laahi Farmaajo ayaa kulamo kala duwan la lahaa madaxda dowlada goboleedyada qaarkood ayadoo kawada hadalayay arrimo dhowr ah oo u badan isbedelada cusub iyo wadashaqeynta.
Siihayaha Madaxweynaha Galmudug ahna Madaxweyne Kuxigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa kulan saacado qatay layeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyda Ferdraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo uu uga warbixiyay xaaladda deegaanada Galmudug iyo abaarta ka jirta halkaasi.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii dowladda Federaalka ah ay gacan uga geysan lahayd arrimaha abaaraha ka jirta deegaannada Galmudug.
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Soomaaliya ee 8-Febraayo ay doorteen baarlamaanka iyo Ra’iisul wasaaraha cusub ee uu soo magacaabay ee ay codka kalsoonida ah siiyeen golaha shacabka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa joryaala isaga iyo ra’iisul wasaarihiisa arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin isbedelada siyaasadeed sidii loo dardargelin lahaa howlaha dowladnimo,ayadoo qorshaha ugu horeeyo uu yahay dhismaha xukuumada tayo leh.
Waxaa siweyn loo hadal hayaa in 18 xubnood ay ka koobnaan doonaan golaha wasiirada xukuumadda cusub.

Like it? Share it!